Ticker

6/recent/ticker-posts

DEG-DEG+DAAWO: Garaad Jaamac oo dagaal ugu baaqay Beesha Dhulbahante

 


Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa shegay in duulaan lagu soo qaaday, kaas oo lagu hayay 15kii sanno ee lasoo dhaafay ayna Somaliland doonayso burburinta dadkiisa.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay bartamaha Laascaanood oo dagaal culus ka socdo, ayuu Garaad Jaamac ugu baaqay dhallinyarada beesha dhulbahante inay dagaalamaan, oo ay garab istaagaan ciidamadooda dagaalamaya.

“Askariga Dhulbahante ee qoriga haysta ee isagoo walaalkii la dilayo amarka sugayaa waa fulay ee gala Dagaalka” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku baaqay in la dagaalamo.

Somaliland ayaa saaka aroornimadii weeraray magaalada Laascaanood xilli la qorsheynayay shaacinta go’aano ay gaareen isimadda dhaqanka deegaannada SSC, kuwaas oo shir aayo-ka-tashi ah ku lahaa muddo ka badan todobaad magaaladaas.

Dagaal culus ayaa weli soconaya, waxaana wararku sheegayaan in maamulka Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan Laascaanood, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo tiro badan, kana dhashay dagaalka.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe