Ticker

6/recent/ticker-posts

Dhimashada QUEEN ELIZABETH kadib maxaa ka dhacaya UK....

 
London, UK(Galgala Online) Shalay ayey geeriyootay poqorad Queen Elizabeth II, iyadoo ahayd poqoradii ugu mudada dheeraad ee soo xukunta poqortooyada waxayna ku dhimatay da,da 96 jir,sidaasna waxaa xaqiijiyey qasriga buckingham palace.

Wiilkeeda curad ee charles oo ah 73 jir  ayaa degdeg u noqonaya midka badali doona poqoradii shalay xijaabatay, kaasoo waa cusub u bilaaabi doono poqortooyada.
   Queen Elizabeth II ayaa ahayd poqorad tan iyo 6dii feb 1952dii, markaasoo iyado ah 25 jir bedeshay aabaheed Boqor George VI, waxayna xilka poqortooyada haysay mudo haatan kusiman 70 sano.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad ee uu dhalay George V, hooyadeedna waxay ahayd xaaskii hore ee Albert, taasoo ahayd Elizabeth Bowes-Lyon.

Waxyaabaha dhacaya kaddib dhimashadii Boqorada Ingiriiska:

Qasriga Buckingham hortiisa waxa lagu xardhi doonaa ogaysiiska dhimashada boqoradda, waxaana lagu daaabacay mareegta qasriga, iyada oo la isugu yeedhi doono Baarlamanka dalka Britain.

Meydka Boqoradda waxa maalmo gudahood lagu soo qaadi doonaa baabuur gaar ah, waxaana la keeni doonaa Qasriga Buckingham Palace.

Maalin kaddib dhimashada Boqoradda, golaha guddida Boqortooyada ayaa ku kulmi doona Qasriga St James’s Palace waxaanay ku dhawaaqi doonaan boqorka cusub.

Maalinta ay dhimatay boqoraddu waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah, siddoo kale maalinta la caleemo saarayo boqor Charles waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah.

Waxa hoos loo dhigay dhamaan calamada Boqortooyada Britain iyo afarta mandaqadood ee Boqortooyada Ingiriiska.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe