Puntland oo Maxkamad soo taagtay Wasiir hore
Cabdirixman Salad Wasiir ku-xigeenkii hore ee Kalluumeysiga Puntland, ayaa la horgeeyay Maxkamadda Darajada koowaad ee Garoowe isaga oo loo haysto dhoofinta “Geed-quwaaxa” kaas oo in muddo ka socday Puntland.
Wasiirkii hore ayaa sheegay in xuquuqdiisa lagu xadgudbay islamarkaasina aan qaab sharci ah loo marin xarigiisa.
Geesta kalana masuuliyiin kale oo dowlada hada xilal ka haya ayaa looga yeeray Maxkamadda kuwaas oo iyana loo jeediyay eedo la xiriira “Geed-Quwaaxa”
Maxkamdeynta dadka loo haysto jarista iyo
dhoofinta geedkan ayaa muddo ka socotay Magaalada Garoowe waxaana weli aan la soo qaban dad kale oo arintan lala xiriirinayo.
Halkan Ka Daawo Muuqaal Dhamaystiran.
0 Comments