Ticker

6/recent/ticker-posts

DFS oo War Cusub kasoo saartay Maamulka SSC-KHAATUMO






 Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Muqdisho hoggaamiyaha SSC - Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo howlo shaqo ujooga caasimadda.


Ugu horreyn, hoggaamiyaha SSC- Khaatumo mudane Cabdiqaadir Firdhiye oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay Soo dhoweynta qiimaha badan ee  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maamuuska ay Xukuumadda Federaalka ah u fidisay SSC. 


Mudane Firdhiye oo sii hadlaya ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Fiqi wasiirka arrimaha gudaha xaaladda deegaannada SSC -Khaatumo iyo raadkii dagaaladdii dhacay isaga oo soo bandhigay in arrimaha hortabinta u leh SSC ay ka mid yihiin; Dib u heshiisiinta, maamul daadejinta, adeeg bixinta, in ay xoojiyaan ku xirnaanshiyaha Xukuumadda Federaalka ah iyo mabda’ guud ee ah ilaalinta bedqabka iyo midnimada dhul iyo umad ahaaneed ee Soomaaliya.


‘’ Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xarumaha bulshada loogu adeego sida; isbitaalada,  goobaha waxbarashada iyo masaajidda’’ ayuu hadalkiisa kusoo gaboganeeyay hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye. 


Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo fadhiga ka hadlay ayaa xusay sida ay Wasaaraddiisa mar walba diyaar ugu tahay in ay ka caawiso arrimaha ay ka mid yihiin: Dib u heshiisiinta, maamul baahinta, xal u helidda barakaca iyo guud ahaan howlaha kale ee xiriirka la leh wasaaradda, isaga oo intaa raaciyay in Wasaaradda Arrimaha guduhu u taagan tahay xoojinta maamulada dalka ka jira.



Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe