Ticker

6/recent/ticker-posts

ALSHABAAB OO GUBTAY BAABUUR RAASHIN SIDA,DADKIINA LAYSAY

 



Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay u galay gaadiid sidday raashin iyo shacabkii saarnaa, wadada xariirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee gobalka Hiiraan.


Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dileen inta badan dadkii shacabka ahaa ee saarnaa gaadiidka, iyagoo gawaarida iyo badeecaddii ay sideen dab qabad siiyay

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaadiidku uu rarnaa degmada Maxaas, ayna saarnaayeen dad gaaraya 20 ruux, kuwaas oo qaar kamid ah ay sidoo kale dhaawacyo u geysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo ku aadan weerarkan jidgalka ah ee maleeshiyaadka Al-Shabaab u geysteen gaadiidka iyo dadka shacabka ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay ay deegaanno hoostaga gobalka Hiiraan, uu ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka. Waxaana Al-Shabaab looga saaray deegaanno muhiim ah.

Post a Comment

1 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe