Ticker

6/recent/ticker-posts

QISADA 2 MALAG EE DADKA BARAY SIXIRKA?!🔞

 


QISADA 2 MALAG EE DADKA BARAY SIXIRKA?!🔞


Muuqaalkii aynu kaga hadalnay buugga shamsu macaarif waxaynu ku sheegnay in buuggaasi uu khatar yahay maadaama uu yahay buug sixir? Hadaba su'aashu waxay tahay dadka yaa baray sixirka? Jawaabtay waxay tahay waxaa baray labo malag, daawade waxaad is weydiinaysaa sidee? Jawaabta su'aashaas Waxaynu kaga bogan doonnaa muuqaalka ee ila dhammayso.


Labadan malag waxaa lagu kala magacaabaa haaruut iyo maaruut, waxaana lagu sheegay qur'aanka, labadan malag waxay soo dageen ka dib dhimashadii sulaymaan calayhi salaam, waxayna ku degeen baabil, waa magaalo ku taal ciraaq, waxayna dadka bari jireen sixirka, laakiin marka ugu horreysa waxay dadka ku odhan jireen, waxaanu nahay fitno ee ha gaaloobina, labadan malag ee haaruut iyo maaruut, waxay dadka sixirka u bari jireen si ay uga digtoonaadaan, una caddeeyaan kaasi inuu yahay sixir, sidoo kale dadka waxay u caddaynayeen sulaymaan calayhi salaam inuu ahaa nabi ka mid nabiyada ilaahay,  sababtoo markuu dhintay ayaa qaar waxay yidhaahdeen wuxuu ahaa sixiroole, labadan malag markii ay soo dageen dadkana ay bareeen sixirka, ilaahay ma ay caaasin ee waxay ku socdaan amar ilaahay, kasoo ah inay dadka baraan sixirka, dadka way bari jireen wayna uga digi jireen, waxaana la dhahaan qof aan sharka ka aqoon khayr waa uu ku dhacaa, labadan waxay sidan u sameeyeen daaco ilaahay cz wj, ma ay qaldamin mana caasin ilaahay.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe