Ticker

6/recent/ticker-posts

Qisadii Nebi ADAM vc Nebi MUSE CS

 Markaad maqasho qisada nabi aadam calayhi salaam ma dareentaa nasiib xumo, sababtoo ah imika dhammaanteed waxaynu ku jiri lahayn jannada dhib la'aan, haddii aadam calayhi salaam uu cuni lahayn geeedkii loo diiday, Ma ogtahay inay dood adagi dhex martay Muuse calayhi salaam iyo aadam, haa Muuse calayhi salaam wuxuu kala hadlay aabihi aadam isla arrintan, Muuse calayhi salaam wuu xoog badnaa misana wuxuu ahaa qof dhiirran, awoodiisu waxay leekayd boqol dagaalyahan, hadaba Muuse wuxuu ku yidhi aadam? maalin maalmaha ka mid ah Muuse calayhi salaam wuxuu go'aansaday inuu hadal ku yidhaahdo aadam, wuxuuna rabay inuu kala hadlo qisada jannada ka dhacday ee sababtay in aadam jannada laga soo saaro Muxuuse u cunay geedka laga reebay, Muuse wuxu  yidhi ilaahay i tus aadam waxaan doonayaa inaan la hadlo.

Ilaahay wuxuu tusay aadam calayhi salaam, Muuse markuu arkay aadam wuxuu ku yidhi adiga miyaa aadam, ilaahay wuxuu kugu abuuray gacmihiisa wanwanaagsan, wuxuuna kugu afuufay ruuxdiisa, wuxuuna kuu sujuudiyay malaaikta, wuxuuna ku dajiyay jannada, kadibna waaad naga soo saartay adigu jannada? Waa maxay sababtu? Maxaadse u cunnay geedka? Dadka arlada jooga  waxaad ugu soo saartay gefkaaga, durriyadaadana waxaad galisay naarta? Wuxuu aadam calayhi salaam ugu jawaabay jawaab aadan filaynin oo aamusisay Muuse calayhi salaam, wuxuu aadam calayhi salaam yidhi: adigu ma waxaa tahay muusihii ilaahay u doortay risaaladiisa iyo la hadalkiisa, waayo ilaahay wuxuu ula hadlay Muuse calayhi salaam si ka duwan siduu ula hadlay rususha iyo anbiyada kale, waayo wuxuuna la hadlay  iyadoon jirin cid u dhaxaysa, anbiyada kale waxaa u dhexeeya malag, malagaasi wuxuu waxyiga kasoo qaadaa ilaahay cz wj isagoo gaadhiisaya anbiyada, almuhim Muuse calayhi salaam wuxuu ku yidhi aadam yidhi haa, aadam wuxuu yidhi ma waxaad igu canaanaysaa wax ilaahay qadaray anigoo lay abuurin? Rasuulku scw wuxuu yidhi aadam ayaa xujjo badiyay, muhiimaddu waxay tahay waad odhan kartaa marka musiibo kugu dhacdo ilaahay ayaa qadaray, laakiin qadarka uma xujaysan kartid ceeb adiga kugu sugan yacnii adigoo qaladkii ku sugan ha dhihin ilaahay ayaa qadaray inaan xaalkan ku sugnaado, 


By Ahmed Ibraahim

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe