Ticker

6/recent/ticker-posts

Waa kuma saxaabiga la kulmay masiixu dajjaal?

 


Waa kuma saxaabiga la kulmay masiixu dajjaal? 

Saxaabigaas waxaa lagu magacaaba tamiim addaarii, tamiim wuxuu la socday doon waxaana la saarnaa doonta 30 nin oo kale, dhammaantoodna waxay ahaayeen carab, waxayna badda ku lunsanaayeen sodon maalmood, ilaa ay ugu danbayntii heleen jasiirad aanay garanaynin, jasiiraddaas ilaa maanta lama yaqaanno halka ay ku taallo, taasina waa xikmad ilaahay, tamiim iyo cidii la socotay waxay ku degeen jasiiradda waqtigaasna waxaa sii dhacaysay qorraxda, wixii ugu horreeyay ay arkaan waxay ahayd daabbad timo badan, xatta waxay garan waayeen halka ay u jeeddo timaheeda darteed, raggii carabta ahaa cabsi darteed ayeey ku dheeheen tuma ayaa tahay? Waxayna ugu jawaabtay waxaan ahay jassaasah, waxayna hadalkeedii sii raacisay dhinacaas aada waayo waxaa jooga nin, tamiim iyo raggii la socday cabsi ayeey la qalaleen waxayna jassaasah u maleeyeen shaydaan, waxayna aadeen halkii ay u tilmaantay, markii ay gaareen halkii ninku joogay waxay arkeen qof aad u wayn ilaa ay ka yidhaahdeen wuxuu ahaa qofkii ugu waynaa ee aanu aragno, waxaana ku xidhnayd silsilad, wuxuuna weydiiyay halka ay ka yimaadeen, waxayna u sheegeen inay yihiin carab, ayna badda dooni kula habowday, ninkii wuxuu u sheegay inuu yahay masiixu dajjaal, wuxuuna u sheegay inuu soo bixi doono aakhiru samaan uuna gali doonto magaalo kasta marka laga reebo makka iyo madiina, ugu danbayntii ilaahay ka magan gal masiixu dajjaal waxaadna dhahdaa ducadan:

  {اللهم أني أعوذ بك جنهم و عذاب القبر و من شر فتنة مسيح الدجال}.


By Ahmed Ibraahim.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe