Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macali Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin dagaal ka dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, waxaana uu sheegay in madaxweynaha uu safar ku kala bixiyay maamullada qaar, kuwa kale la filayo inuu dhowaan gaaro.
“Dowlad
goboleedyada heshiisbaan la nahay, wax dagaal ah oo lagu qaadayo ama la
iclaamiyay, oo dowladda Soomaaliya ay iclaamisay majiro. Personal ama qof
fikirkiis ama aragtidiisa uu dhiibto isaga ayey u gaar tahay.
Madaxweynuhu Koonfur Galbeed waa uu tagay, waa la ogaa sida loogu soo
dhoweeyay, Madaxweynuhu Galmudug waa tagay, Puntland ayuu hadda ka yimid,
dowlad goboleedyada kalena waa uu u socdaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha
Axmed Macali Fiqi.
Wasiirka ayaa
waxaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu ay bilaabayso gurmadka abaaraha,
waxaana uu carabka ku dhuftay in deegaannada Koonfur Galbeed ay yihiin kuwa ugu
daran ee xilligaan wajahaya abaarta, isaga oo hadalkiisa raaciyay in laga
bilaabi doono maalmaha soo aadan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka kasoo
baxay Axmed Macali Fiqi Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib
u-heshiisiinta xukuumadda federalka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa
iyadoo maalmahaan la dareemayay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo
dowlad goboleedyada, wasiirka ayaa sheegay inuu hadalkaas uu yahay wax kama
jiraan dowladduna ay heshiis la tahay.
0 Comments