MW Xasan Sheikh waxaa la doortay 15 May 2022 asagoo ka guuleystay MW Farmaajo. MW Xasan waxaa la caleema saaray 9 June 2022 waxaana ka soo qaybgalay caleema saarkiisa madaxweynayaasha waddamada Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo marti Sharaf kale oo ka kala yimid dawladaha aan saaxiibada nahay.
Madaxweynaha wuxuu halhays ka dhigtay “SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH”. Waa arin wanaagsan balse ay adag tahay sida loo gaari karo.
SOOMAALI HESHIIS AH:
Madaxwynuhu wuxuu sheegay sida uu u wajahaayo qodobka “Soomaali heshiis ah” wuxuuna yiri inuu sameyn doono:
- Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xalliyo tabashooyinka la kala qabo.
- Si gaar ah inuu diiradda u saari doono, sii wadida wadahalada lala yeelanaayo Somaliland iyadoo uu ka hortagi doono wax kasta oo caqabad ku noqon kara wadahalada iyo dib u heshiisinta.
- Xasillooni siyaasadeed oo lagu gaarayo wadatashi, wada-oggol iyo wadajir ka dhaxeeya hoggaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah, iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo mar kasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.
- Taabbagalinta hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeyo dowladnimada.
- Taabbagalinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo isqancin iyo isku tanaasul.
- Taabbagalinta hannaanka dimoqraadiyadda ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doona doorto, meel walbana laga dooran karo.
- Dhismaha garsoor hufan, madax-bannaan isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.
DUNIDANA HESHIIS LA AH
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in himilooyinka dowladnimada ee ay tiigsanayaan shacabka Soomaaliyeed ay rumoobi karin haddii aanaan dunidana heshiis la aheyn. Wuxuuna xusay si taas loo gaaro inuu qaadi doono qodobada soo socda:
- In aan wanaajinno, isla markaana xoojinno xiriirka aan la leenahay dalalka dariska nala ah, kuwa walaalaha ah iyo kuwa aan saxiibbada nahay.
- In layska kaashado la dagaalanka argagixisada sida Alshabaab iyo Daacish oo ka ka soo horjeeda horumarka iyo xasiloonida dalalka Geeska Afrika.
- Xoojinta ganacsiga ka dhaxeeya dalalka Africa, gaar ahaan kuwa Geeska Afria.
- Siyaasad arrimo dibadeed oo dhexdhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loollanka caalamka ka jira.
- Soomaaliya waxay saaxiib la ahaan doontaa dal walba oo diyaar u ah inuu ixtiraamo madax bannaanida dalkeenna, iyo mid ahaanshaha gayigeenna.
- In leyska kaashado maareynta iyo wax ka qabadka musiibooyinka soo noqnoqda (abaaraha, fatahaadda iwm) oo fara ba’an ku haaya Geeska Afrika.
Balanqaadyadaas faraha badan waa wax wanaagsan haddii si qorsheysan oo niyadsami ku jirto loo abaaro, laakin waxaa ku hor gudban hirgalintooda caqabadooyin fara badan.
Balanqaadka Madaxweynaha 100-ka maalmood ugu horeysa xil-hayntiisa:
Madaxweynuhu wuxuu sheegay 100-ka maalmood ee ugu horeeya xafiiskiisa inuu diiradda saari doono dib-u- habeynta maaliyadda, amniga oo ugu horeyso la dagaalanka Alshabaab, dhaqaalaha iyo sharciyada ciidamada iyo hay’adaha dawliga. Ma aha wax sahlan in 100 maalmood lagu qabto arimahaas oo dhan, balse madaxweynaha wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono dhammaantood.
Haddaba maxaa u qabsoomay 100-ka maalmood ee xil-hayntiisa:
Madaxweynuhu wuxuu balanqaaday waxba kama qabsoomin 100-kii maalmood ee xilka uu haayey, balse waxay uga dhammaatay wax yaalaha soo socdo:
- Madaxweynuhu waxay ku qaadatay 30 casho inuu soo xulo Ra’isul wasaare.
- RW Xamsa Cabdi waxay ku qaadatay 40 casho inuu barlamaanka horkeeno wasiirada uu magacaabay.
- Madaxweynuhu asagoo dawladdiisa dhisin ayuu safar ku aaday 8 dal oo Africa iyo Carab ah.
- Madaxweynuhu wuxuu ogolaaday inuu Qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya oo malaayiin dollar ku baxa la fasaxo iyadoo wax ay Soomaaliya ay ku baddalatay aan muuqan dalkana ay ka jirto abaar baahsan.
Maxaa ka xumaaday madaxweynuhu muddadii 100-ka maalmood ee uu xilka haayey:
- Amniga dalka oo ka sii daray, sida Ciyaal weero oo ka dillacay Muqdishu iyo Al-Shabaab oo kordhisay dilalkii qorsheysnaa iyo weeradii ay ku haayeen gobolada dalka ayagoo u gudbay Dawlad Deegaanka Soomaalida.
- Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab waxay weerar ku qaadeen hotel Xayaat oo ku yaalo meel muhiim ah oo amnigeeda uu fiican yahay, waliba u dhaw madaarka Muqdishu. Weerarkaas wuxuu socday in ka badan 30 saacadood waxaana lagu laayey dad aad u tira badan oo aan waxba galabsan qaar badana way ku dhaawacmeen. Waxaa intaas ka sii daran ilaa hadda lama haayo laamaha amniga inay soo bandhigaan halkii ay ku dambeeyeen argagaxisadii dhibaatadaas ka dambeeyey nolol iyo geeri. Taasi waxay abuurtay shaki waxaana loo badinayaa inay baxsadeen dadkii falkaas argagaxa lahaa geystay.
- Madaxweynuha waddamadii uu booqashadaha ku tagay waxaa ka mid ahaa dalka Masar oo xurguf kala dhaxeysa Ethiopia, waxyaalahii lagu soo qaaday safarkaas waxaa ka mid ahaa biyo xireenka ay Ethiopia ka dhistay webiga Nile taas oo aad uga caraysiisay Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed oo saaxiib dhaw la ahaa MW Farmaajo. Intii uu Farmaajo talada haayey waxaa laga nastay faragelintii ay Ethiopia ku haysay arimaha gudaha ee Soomaaliya. Maamul goboleedyada waxaa laga soo xiray xiriirka tooska ahaa oo ay la yeelanaayeen Ethiopia. Haseyeeshee, durba hadda waxaa soo if baxay albaabkaasi inuu Furmay. Saciid Deni iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa booqasho ay dawladda dhexe ogeyn ku tagay dalka Ethiopia, waxaana la soo siiyey awaamiir ay ku carqaladeynayaan wax qabadka dawladda uu madaxa ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh, iyaguna waxaa loo balanqaaday wax aan ilaa hadda la shaacin waxay yihiin. Sidoo kale xubno ka socdo sirdoonka iyo ciidanka Ethiopia ayaa booqasho ku tagay Galmudug iyo Gobolka Hiiraan lamana oga waxa ka soo baxay kulumada ay la yeesheen madaxda ay la kulmeen. Waxaa laga cabsi qabaa in madaxweyne Xasan ay farahiisa ka baxaan inta ka harsan madaxda maamul goboleedyada.
Madaxweynuhu maxaa la gudboonaa:
Waxaan is lahaa Madaxweyne Xasan wuxuu waaya-aragnimo ku filan ka soo helay muddaddii uu xilka madaxweyne haayey inta uusan Farmaajo xilka kala wareegin oo waliba waxaa u sii dheereed muddadii uu Farmaajo xilka uu haayey inuu waddanka uu joogay oo cayaarta bannaanka ka daawanaayey. Haseyeeshee waxaa ii caddaatay weli Madaxweyne Xasan ay wax badan ka dhiman yihiin.
Ma eheyn madaxweynuhu inuu aado safar dal kale asaga oo aan hagaajin arimaha gudaha oo ugu horeyso magacaabista Ra’isul wasaaraha iyo dhisidda dawladda. Sida uu yahay dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida, mar kasta oo la dhiso dawlad, waxaa soo baxaaya siyaasiyiin mucaarad ah markay ka waayaan danahooda shaqsiga ah dawladda la dhisay.
Way caddahay hadda dawladdu inay la kulantay mucaarad xoog badan sida Deni iyo Laftagareen kuwo kalana waddada ayey ku soo jiraan.
Waxaa habooneyd marka uu hagaajiyo arimaha gudaha inuu booqashada uu ku aado dalalka uu hadda booqday, isagoo ay la socdaan wasiiradiisa sida kan arimaha dibadda, iskana ilaalinaaya inuu dhex dabaasho xurguf laba waddan ka dhaxeya gaar ahaan mid ka dhaxayso Ethiopia iyo Masar.
Talo soo jeedin:
Waxii waddanka ka halaabo way naga wada halaabeen, waxaana waajib ah dawlad kasta oo timaado in lagu taageero hagaajinta iyo horumarka waddanka. Haddaba aniga waxaan ku talin lahaa arimaha hoos ku xusan:
- Madaxweynuhu waa inuu saxaa khaladkii uu sameeyey asagoo ka bilaabaayo hagaajinta arimaha gudaha ka dibna waa inuu booqdaa Ethiopia oo aan daris nahay oo si fudud uga faa’idaysatay siyaasiyiinta aan dan ka laheyn qabka iyo horumarka waddanka balse eegaya kaliya dantooda gaar ahaaneed.
- Madaxweynuhu waa inuu dib-u-eegis ku sameeyaa laamaha amaanka lana dardargeliyaa dib-u-qaabeyntooda.
- Waa in baaris lagu sameeyaa waxa ka khaldamay amniga Muqdishu, lana xisaabtamaa kuwii mas’uulka ka ahaa amni xumada dhacday oo ugu horeeyo waxii ka dhacay “hotel Hayat”.
- Waa in meel lagu sheegaa kuwii ka dambeeyey falkii ka dhacay Hotel Hayat nolol iyo geeri, haddy nool yihiina la horkeena sharciga iyaga iyo kuwii masuulka ka ahaa baxsashadooda.
W/Q: Cabdicasiis M.
AFEEF: Aragtida ay qorayaashu ka dhiibteen qaybta fekradaha, waa kuwo iyaga u gaar ah oo aan ka turjumaynin aragtida warbaahinta Hortabin Media.
0 Comments