Garowe(Galgala Online) Madaxwayne Deni oo kala diraya Golaha degaanka Garowe!
Madaxwaynaha Dowlad Puntland Dr Said Abdulahi Deni ayaa dhowaanahan Waday Isbadel uu Kuu waday golayaasha Kala Duwan Ee Xukuumada iyo Hoggaanka ciidanka.
Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu dagaal kula jiro koox uu ku tilmaaamay manficii Puntland inay kaligood afka udhigtaan Balse aaan Shacabka Puntland waxba Kasoo gaarin.
Wararku Waxay sheegayan in madaxwaynahu ku fooganyahy kala Dirida Golaha deegaanka Garowe, Xogaha laga helayo kala dirida golaha degaanka Garowe waxay muujinayaan in ku simaha duqa Garowe loo magacaabi doono nin qurbe joog ah, lamana oga sababta wakhtigan keentay in la kala diro golaha degaanka meeshana laga saaro duqa Garowe oo lagu amaano in uu shaqo wanaagsan qabtay 4tii sano ee la soo dhaafay, waxaase Xoguhu tilmaamayaan in duqa iyo golaha degaanku ay Sababsan doonaan doorkii ay ku lahaayeen in Barlamaanku diido iibka xarunta dowlada hoose ee Garowe oo madaxtoyadu riixaysay in la iibiyo.
0 Comments