Xooluhu waa Kheyraadka ugu weyn ee ay Soomaalidu ilaa imika ka faaiideysato, Afarta Meesiba Soomaalidu waa ku Hodon, cimilo iyo Carrosanba alle waa ugu nimceeyey. Dhaqaalaha dalku xoolaha aya lafdhabar u ah kuna tiirsan yahay.
Duruufaha Nololeed ee kajira dalku waxay baabi'iyeen waxkasta oo ummadani u Cayman lahayd oo ay ugu Horeyaan Xooluhu, Abaarahan soo noqnoqday iyo Dhaqaale xumida dad badan baa ku Cayroobay Magaaladana soo galay, dadkaasi ma helin wax adeeg Dawladnimo ah oo Gurmad u fidiya kuna cesha Miyyigoodi.
Hada oo lagu jiro xilliroobaadka Dayrta Abaar ba'anna alle Naga soo saaray dhulka meela kamidana Roobabku ka curteen waxaan sharaxaynaa dhibaato kale oo soo wajahda Dadka reer miyyiga xilli roobaadka.
Marka la joogo miyyiga Xoolaha tabarta daran ee xayeeshida ah waa laga ilaaliyaa barta roobka, haddaan lahayn Bohol ama God lagaga qariyo, waxa loo hooyaa aqalka waxaana loo yaqaan(JIRIN).
Waxaan kaloo ku macnayn karmaa Jirinka
inta aan roobku aanu imaan in xoolaha jilicsan xerada inta ded lasaaro Baco ama shiraac loogu xiro.
Lakiin Haddii roobku helo oo aan markii hore laga xerayn wey Dardhadaan xooluhu(Dhaxamodaan), xoolaha Xayeeshida ah ee dardhada Roobku markuu kaco Soomalidu intay DIGADA Xaarxaaraan bey Adhiga ku Aasi jireeen madaxa maahane, si ay uga helaan Dugsi iyo Diirimaad Qarqaryaduna uga ba'do.
Roobka Xoolaha laaya waakan Xilliga dheer Da'a dhowr saacadood ee Qayoodka ama Yalka soo cesha( Dhaxanta wata), dadka qaarkii Roobka Dayr-tay yiraahdaan asaga dhaxan badan Halka Kan GUGU Kaliil iyo Hogod leeyahay.
Marka Xilli roobaadka Iyo xoolihii oo Tabar daran waxay u keeneysaa Dadkeena reer miyyiga ah inay cayroobaan oo xoolaha intii abaarta kaso badbaaday Roobku ka dilo.
Reer miyyigeenu Dawlad ay ka helayaan Kaalmo dhaqaale, Tawabaro iyo Wacyigelin ma jirto, wasaaraddii Xanaanada Xooluhu shaqadeedu Tallaal uun bey noqotay oo malaayiin doolar lagu cuno, Wax Sare u qaadid xirfadda Dhaqashada xoolaha ah ay siisaa Reer Miyyiga ma Jidho iskaba daa Taakulo Dhaqaale.
GUNAANAD
Xalku waa in Sare loo qaado xirfada reer Guuraaga xoolaha dhaqanaya.
waa in Nashqadahan casriga ah ee loo dhiso Xerooyinka xoolaha la baraa dadkaas si ay uga badbaadan DAADKA iyo Dullinkaba.
waa In lagu Garab siiyaa loona sahlaa sidey u heli layaaheen Agabka Casriga ah Guurguura ee Tuyuubka ka sameysan Ganacsatadu iib u keentaa ama dawladu ugu deeqdaa dadkaas (waxaa jira Aqal Bac adag ka sameysan oo difaac u leh qoraxda,dhaxanta iyo Roobkaba).
Ibrahiim Said mohamud.
0 Comments