MARAYKANKA" ALSHABAAB AWOOD UMA LAHA RABSHADAHA GOBOLKASTOO SOOMAALIYA AH"


 
Dowlada maraykanka ayaa taageertay  howlgalka wadajirka ah ee ciidamada xooga dalka iyo dablayda hubaysan ee deegaanku ay ka wadaan deegaamo kamid ah gobolka hiiiraan, kuwaasoo ay kula dagaalamayaan horjoogayaasha alshabaab.

war kooban oo gooor dhowayd lagu baahiyey bartooda twitter ka aya lagu sheegay inay si dhow ula socdaan guulaha hordhaca ah ee laga daaray dagaalka, iyagoo sheegay inaysan alshabaab guul ka gaarayn rabshadaha ay ka wadaan guud ahaan wadanka.


"Maraykanku wuxuu si dhow ula socdaa dagaalka #Hiiraan iyo guulihii adkaa ee ay gaareen ciidamada Ciidamada xooga iyo dalka iyo kuwa deegaanka, Rabshadaha xagjirka ah kuma guulaysan doonaan Hiiraan, #Muqdisho iyo meelkastoo oo #Soomaaliya ah."
Ciidanka xooga dalka oo garabsanaya malayshiyo deegaanka ah ayaa alshabaab kala wareegay deegaano badan oo kamid ah gobolka hiiraaan, waxaana weli gobolka ka soconaya gulufka ka dhan ah ka ah alshabaab.



Ra,iisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaliya mudane xamse cabdi bare ayaa dhowaan gaaray magaalda beledwayn si,uu udhiirigaliyo howlgalka ka soconaya hiiraan, ee looga xoraynaya deegaanada ay gobolka gacanta kaga hayaan, Ra,iisul wasaaraha ayaana bogaadiyey howlgalada socda.





Galgala Online

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement
} });
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
Sahanka Guusha Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe