Caasimada Dalka(Galgala Online) Warar Hordhac ah oo kasoo baxaya shirkii uga socday magaalada muqdisho wasiirada maaliyada dowlad goboleedyada iyo wasiirka maaliyada dowlada dowlada fadaraalka soomaaliya.
Shirkan ayaa wuxuu soo bilowday maalinamadii isniintii lasoo dhaafay, waxaana lagu wadaa inuu soo gabagabooba manta galinka balse dambe balse waxaa jira khilaaf culus oo hareeyey shirka qodobo badana wali layskuma marin.
Waxaa lasoo tabinayaa inuu shirku galay marxalad adag, isla markaana laysku mari,layahay qodobada gaar.
Waxaa laga cabsi qabaa inuu shirku kusoo dhamaado natiijo la,aan, hadii aysan madaxda qaar aysan tanaasul Samayn waa labada dhinace.
Warar hoose oo soo gaaray warqabadka Galgala Online Doodaha ugu adag ayaa waxay ka taaganyihin sidii loo qaybsan lahaa deeqaha kasoo dhaca beesha caalamka, Marar badan wasiirada maaliyada dowlada goboleedyada ayaa dowlada dhexe ku eedeyey inaysan soo dhaafin deeqahaasi.
Horey ayey ugu heshiiyeen dowlada goboleedyadu iyo dowlada dhexe qaybsiga deeqaha, 60% waxaa qaadan jiray dowlada dhexe, halka inta soo hartay loo qaybin jiray dowlada goboleedyada.
lama saadaalin karo halka uu ku dambaynayo xaalkodu balse soomaaliya ayaa guud ahan xiligan la daaladhacaysa cunta yari, abaaro iyo roob la,aaan.
0 Comments